Monday, October 4, 2010

Cabdilaahi Suldaan (Tima-Cade)

BarnaamijkaXikmada Suugaanta: AMAAN GEEL!!

Gabaygan waxa tiriyey ilaah janada haka waraabiyo’e  halyey-gii caanka ahaa ee cabdilaahi suldaan ( tima-cade), isaga oo geela ay rag dhaqda adhiga, iyo lo’da ay geel hoos u dhigeen, dabeed markii loo sheegay, baa uu la yaabay, una qaadan waayey, waxay ku hadleen, wxana uu fahmay in aanay dad-kaasi ka haysan wax fekred ah geela gabigiisa-ba, markaas buu txdan tiriyey isaga oo u sheegaaya faa’iidada uu lee yahay geelu iyo qurux-diisuba, waana tan ee akhris-toow u jilib dhig:-

Indha-waydba daw-laabta gabay, diiri ma la hayne,
Duldhabaa-lihiisaan necbahay, dalab la’aaneede,
Sida roob kaliil hore da’oo, dunida maan-sheeyey,
Oo degelka geedaha ka baxay, daw la garan waayey,
Oo duunyo lagu soofi-yoo, lagu dabaa-laayo,
Anna gabayga waan daajiyaa , siddii dirirka cawleede,

Sida faras dagaal lagu galay, oo duudku duba-yoobay,
Dibu miradka xoolaha kaluu, kaga dambee-yaaye,
Anna gabayga waan daajiyaa, siddii dirirka cawleede,

Sida geel dar loo xidhay aroor, daraygi ceel dheer-ba,
Uu laba habeen soo dib jiray, doobki tiri-naayey,
Ayadoo daf soo tidhi, haddii ceelka lagu daato,
Haddii doqon ma ciija’e fariid, daakhilka u boodo,
Digta Hore-ba waxay soo horaan, daawisha irmaane,
Daran-doori bay ugu qabtaan, danabya-deediiye,

Dacda waxay yidhaahaan, biyaha daad mareenka ahe,
Waa laga dul-joogaa, rag baw tuban daraadeede,
Durba waa ka yaacaa haraad, diif wuxuu qabaye,
Damta gorofka waa laga maqlaa, daaqsin maqaleede,
Dixda waxay la jiiftoo biyaha, nabar-durduur-taanba,
Markaa-say allaa daayine, debec salaaxaane,

Dadkii lagu yaqaanoo dhan bay, miridh ku deeq-daaye,
Dib u fuli dareeraha, waxay dacayda saydhaa-ba,
Hadaba waxay dallays keliyi, iyo koortu danan-taaba,
Wuxu daabad le’egoow ratigu, doobta lali-yaaba,
Siddii uu dirays wada xidhuu, daawasho u joogo,
Marku duudka simo geelu waa dawlad gooni-yahe

Waxa aan goos-goos u mari doonaa dhamaan gabayaaggii reer somaliland inta ay xuduudu tahay, raggii u dhashay, gabayaddii ayb tiriyeen wixii aan kusaabsanayn qabyaalad iyo casabiyad, wixii aan ka gaadhno haddii alle yidhaaho, waxan akhrista-yaasha u sheegayaa, kan ka ku xigaa waa gabay uu lee-yahay Ibraahim gadhle oo la yidhaaho dir sooc,  waa tix aad u dheer oo socon doonta ilaa 10 maqaal, waayo mar lama dhamayn karo oo ciidaas bay ka badan tahay, imika kaaga sii sheekaun maayo waxa ay ka hadlayso iyo ujeedada ay ka turjumayso, laakiin waad la kulmi doonataa oo aad akhriyi haddii alle isku keen simo mudada soo socota, insha-allaah waynu kulmi doonaaye, bal-se yuu ku seegin ee ogaoow barnaamijka xikmada suugaanta iyo abdi-shotaly oo taxane ah cusub mudooyinka  inagu soo fool leh aad lka heli doon-taan mareegtan iyada ah.

* N.B: Siddii uu Dirays Wada Xidhuu, Daawasho U Joogo.

No comments:

Post a Comment