Monday, October 4, 2010

Cabdi Gahayr

Barnaamijka Xikmada Suugaanta: Dardaaran!!

Gabagan waxa tiriyey ilaah ha u naxariisto’e cabdi gahayr sida la yhdi-na waxa ka geeri-yootay xaas-kiisii , dabeed mudo daba-deed buu guur-saday gabadh kale taas baanu tixdan gaaban u tiriyey baa la yidhaahaa bisga oo kula dardaar-maaya ama us heegaaya wax yaabha uu danta moodaayey awxana uu yidhi:-

In gar xidhata, ama guudka dabi, gebiga soomaali,
Waa-taan gayaan dumar ku nacay, lama gu’baan-tiiye,
Adna geela waxan kaaga madhay, gaari-daad tahaye,
Ha yeeshee wixii kula gud-boon, garangar-taad joogto,

Niriga guriga daaq-yiyo ratiga,, geela laga reebo,
Waa in aad martida tii golmoon, gogosha siisaaye,
Waa in aad gasiin ugu dartaa, xeedho geedo lehe,
Waa in aad wax laam goofi-yo’e, gaar-na dhiga-taaye,

Haddii marada geyn-geyn ka dhaco, waa gunimo weyne,
Waa in aan gambadu kaa xumaan, golahad joog-taaye,
Kol hadaan gacmaha loo xinayn, kuma guduu-taane,
Waa in aad gadaal dhaasha-taa, garasha-daydiiye,

Gudgu-duhu hadduu soo onkodo,gaydhu waa halise,
Gufaa-cada horuu kaga ridaa, guunta buul-ka lahe,
Hadaan laba gufays laysku darin, gale dabay-luuye,
Gig ka siiso gibil xeeran bay, guudka mari-yaane,

Cabdi-gagayr wuxu  gabayaa weyn, marka loo eego casriggii uu noolaa in kasta oo uu caan ku ahaa gabayada qabiilada, kani-se wuxu ahaa marxalad gaar ah oo soo martay, si kata-ba ha ahaatee u soo akhriya faata-xada caawa wuu inaga hoosyee-yaaye.

* N.B: Gufaa-cada Horuu Kaga Ridaa, Guunta Buulka Lehe.

No comments:

Post a Comment