Monday, October 4, 2010

Cabdilaahi Cabdi Shube

Barnaamijka Xikmada Suugaanta: RAFAD!!

Rafad waa jacbur uu tiriyey, abwaankii wayna  ilaah janada haka waraabiyo’e cabdilaahi cabdi shube, oo caan ku ahaa majaa-jilada dadku uu ku qoslo, si ahaan marka aad u eeg-tana waa gabay runta ka sheegaaya wax walba oo hadana maad ah, yaan kugu raagine waa kan rafad ee hoo:-

Geeraar laabta ku raagaa,
Calooshuu ku raftaa,
Oo marka ruuxu maqlo,
Qosol uu rafa-naayo,
Rax bal aan kaga siiyo,
Ee ruux walboow-ba dhegayso,

Rahu haduu biyo waayo,
Dhoobaduu ku raftaa,
 Inan-kaan la rabayna,
Edaabtuu ku raftaa,
 Reer magaale gaboobay-na,
haday ruuc-ba murmaan,
Walahuu ku raftaa,
Dilaal saylad ku raagay,
xadhiguu la raftaa,

Rubiyad aan sarif-nayni,
Kiishaday raftaa,
Awrkii heerya-diisa ridaana,
Haamuhuu la raftaa,
Ruuxa biilka aan hil-hayni,
Hilbuhuu la raftaa,
Nin qabyaalad rasays-tayna,
Ciil uun buu la raftaa,
Ramad geel ninka maalay-na,
Kibir buu la raftaa,

Meel rasaastu dhacaysa-na,
Maydku wuu ku raftaa,
Diyaarad riin ka xumaaday-na,
Samaday raftaa,
Rabbigay ninkaq diiday-na,
Ee rasuulkii ka ordaana,
Cadaabtuu rafadaa,
Wadaad aan ruugin qu’raanka,
Ruux gunaa-nadi maayee,
Kitaab-kuu rogro-gaayoo,
 Sunuhuu la raftaa,

Nin weyn oo aan run aqoona,
Xaas-kiisa ways la raftaan,
Roob magaalo ku hooray-na,
ramaad soo bixin maayo’e,
laamiduu ku raftaa!
Ana waan shubma-yaayo,
Xikmad aan cidi doonin,
Iyo hadal baan la raftaa,
Siyaasad ruuxa jeclays-tayna,
isagoo aan waxba haynin,
Bay cirro ay rafataa!

Waxan u malaynayaa cabdilaahi cabdi-shube ilaah ha u naxariisto’e, in aanay waxan jacburka tiriyaa aanay cid uga horaysay jirin, ee maanta halkaas aan taag-naano akhris-toow.

* N.B: Hadal Waa Run Ka Sheeg, ama Waa Ku Rafo Ricilaa Kala Goo’.

Cabdilaahi Suldaan (Tima-Cade)

BarnaamijkaXikmada Suugaanta: AMAAN GEEL!!

Gabaygan waxa tiriyey ilaah janada haka waraabiyo’e  halyey-gii caanka ahaa ee cabdilaahi suldaan ( tima-cade), isaga oo geela ay rag dhaqda adhiga, iyo lo’da ay geel hoos u dhigeen, dabeed markii loo sheegay, baa uu la yaabay, una qaadan waayey, waxay ku hadleen, wxana uu fahmay in aanay dad-kaasi ka haysan wax fekred ah geela gabigiisa-ba, markaas buu txdan tiriyey isaga oo u sheegaaya faa’iidada uu lee yahay geelu iyo qurux-diisuba, waana tan ee akhris-toow u jilib dhig:-

Indha-waydba daw-laabta gabay, diiri ma la hayne,
Duldhabaa-lihiisaan necbahay, dalab la’aaneede,
Sida roob kaliil hore da’oo, dunida maan-sheeyey,
Oo degelka geedaha ka baxay, daw la garan waayey,
Oo duunyo lagu soofi-yoo, lagu dabaa-laayo,
Anna gabayga waan daajiyaa , siddii dirirka cawleede,

Sida faras dagaal lagu galay, oo duudku duba-yoobay,
Dibu miradka xoolaha kaluu, kaga dambee-yaaye,
Anna gabayga waan daajiyaa, siddii dirirka cawleede,

Sida geel dar loo xidhay aroor, daraygi ceel dheer-ba,
Uu laba habeen soo dib jiray, doobki tiri-naayey,
Ayadoo daf soo tidhi, haddii ceelka lagu daato,
Haddii doqon ma ciija’e fariid, daakhilka u boodo,
Digta Hore-ba waxay soo horaan, daawisha irmaane,
Daran-doori bay ugu qabtaan, danabya-deediiye,

Dacda waxay yidhaahaan, biyaha daad mareenka ahe,
Waa laga dul-joogaa, rag baw tuban daraadeede,
Durba waa ka yaacaa haraad, diif wuxuu qabaye,
Damta gorofka waa laga maqlaa, daaqsin maqaleede,
Dixda waxay la jiiftoo biyaha, nabar-durduur-taanba,
Markaa-say allaa daayine, debec salaaxaane,

Dadkii lagu yaqaanoo dhan bay, miridh ku deeq-daaye,
Dib u fuli dareeraha, waxay dacayda saydhaa-ba,
Hadaba waxay dallays keliyi, iyo koortu danan-taaba,
Wuxu daabad le’egoow ratigu, doobta lali-yaaba,
Siddii uu dirays wada xidhuu, daawasho u joogo,
Marku duudka simo geelu waa dawlad gooni-yahe

Waxa aan goos-goos u mari doonaa dhamaan gabayaaggii reer somaliland inta ay xuduudu tahay, raggii u dhashay, gabayaddii ayb tiriyeen wixii aan kusaabsanayn qabyaalad iyo casabiyad, wixii aan ka gaadhno haddii alle yidhaaho, waxan akhrista-yaasha u sheegayaa, kan ka ku xigaa waa gabay uu lee-yahay Ibraahim gadhle oo la yidhaaho dir sooc,  waa tix aad u dheer oo socon doonta ilaa 10 maqaal, waayo mar lama dhamayn karo oo ciidaas bay ka badan tahay, imika kaaga sii sheekaun maayo waxa ay ka hadlayso iyo ujeedada ay ka turjumayso, laakiin waad la kulmi doonataa oo aad akhriyi haddii alle isku keen simo mudada soo socota, insha-allaah waynu kulmi doonaaye, bal-se yuu ku seegin ee ogaoow barnaamijka xikmada suugaanta iyo abdi-shotaly oo taxane ah cusub mudooyinka  inagu soo fool leh aad lka heli doon-taan mareegtan iyada ah.

* N.B: Siddii uu Dirays Wada Xidhuu, Daawasho U Joogo.

Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)

Barnaamijka Xikmada Suugaanta: Hargaysaay Anaa Kaa Hurdee Laguma Hays-teene!!

Waa mar kale iyo barnaa-mijkii xikmada suugaanta ee taxa-naha ahaa, maanta waxa idiin hayaa ma dhinti-hii ku magaca dheeraa carrabkii umada, codkii xoriyada, ilaali-yihii shicibka hogaa-miyihii suugaanta, baraa-rujiyihii umada miisaankii cadalaada, af-hayeenkii xuquuqal-insaanka, ka war qabahiis aboolka xaq sheegihii aan waxba qarin jirin, soo ma laabtihii aan weli mada-xiisa aan hoos u dhigin, ma gabada-hii la loodin waayey waa gaba-yaaggii axmed ismaaciil diiriye( qaasim) ilaah janada haka waraabiyo’e iyo tix-diisii uu umada reer somaliland uu ugu sheegaayey in aanay wax dambe oo ay eegtaan aanay hadhin ee  kelif-tay in shul-iyo-shul ay mi duun noqoto ee ay tahay tii diintu tidhi ha yeelina ee jihaad ka gala oo ah tixda magac kor ku qoran leh, kuu sheegi maayo qaasim isaga iyo murti-diisa mid-na oo maaha nin aan kaa dhaadhi-cinaayo akhris-toow ee iga hoo waa tane:-

Hor-dhac:- gabay-gan sida uu abwaanka xidigi-yaha ahi uu u sheegay baa loo arkay isga oon cidi us-gageed aanay ka duwanayn, oo hub iyo baaruud baa lagu xoreeyey, oo ay faqashtii cagaha wax ka dayday, bal u fiirso oo isu qiyaas marka aad akhridid gabay-ga waxay ereya-diisu lee-yihiin iyo siddii ay u dhcaday, waad yaabi doontaa oo waxad odhan doontaa waar ma filin baa lagu sii tusay dad hortii waana kan:-

Hargaysaay anaa kaa hurdee, lagu-ma hays-teene,
Hadaan soo hambaa-buro taladu, heec ma noqo-teene,
Horaad dacar ah kuma nuuji-seen hooyo been ahiye,
Hala iyo abees kuma gameen, hadhacya-daadiiye,
Huluulaha col kuu-guma jireen, soo hamaan-sadaye,
Hanti-daada muu weera-reen horor wax boobaaye,

Hareer-taada lama soo fureen haaway booli-yahe,
Haween-kiyo caruur-taad lahayd, lama halaa-geene,
Habla-haaga may guur-sadeen, haybti garan-waaye,
Hog dal-luun ah kama qayli-yeen,hanada-daadiiye,
Hanuun-shiyo il-dheer gara-taddii, hode ma dhaafeene,
Hadhaa la-guma sheegeen, raggii noo horayn jirayr,

Hoos looma eegeen kuwii, hawl karka ahaaye,
Hoosaasi-yaal uma shireenhorumar-kaagiiye,
Maad hoos dhig-teen labada-sacab,  hooge baadi-yaha’e,
Habro looma door-teen golii haybada lahaaye,
Hiir-taanyo iyo ciil wadnahu, ima hiqlee-yeene,
Haasaa-wihii iyo sheekaddii lama hagoog-teene,

Hootada afay-sani boq-naha igama heer-teene,
Nina hadalka kama dhawr-sadeen,kuu hagaag bido’e,
Hoobaladu dhamaan may qaxeen, hibadu saar-nayde,
Hog yaqaana-deeddii murtida , lama halee-yeene,
Heesaagi lama quudh-sadeen, hiray cadaa-waaye,
Ha-yeeshee habeen guul leh, baad heli ayaan dhawe,

Had aan sii fogayn waxad sugtaa, heego iyo roobe,
Hilaac caafimaad baa ku mari, hogal kalii-leede,
Heer-yada rag baa kaaga furi, hub iyo baaruude,
Hido dhalad wixii aan ahayn, waa lagaa hiriye,
Hor ilaahay waan kaa xorayn, hawshan kugu timiye,
Insha-alla hooy nebed-gelyaa, lagu-gu soo hoyne.

Akhris-toow ninka yidhaaha bad baan dhurayaa, bal qiyaas xitaa haddii ay dhab tahay oo uu dhamayn karo ( maba dhici kartee inta ay ku qaadan doonto), ujeedo ruuxa is yidhaa ka sal gaadh milgaha ay lahayd murtiddii qaasim waxan filayaa in aanay ka duwa-nayn taas aan tusaalaha kuu siiyey, gabaygan markii uu tiriyey waxa ku xigay kii uu lahaa oday-gii dal-qada weyn lahaa, duhur xawaa-reeye, waa soo socdaan ee u sii faadhi-mayso akhris-toow waa laguu hayaaye, laakiin ha deg-degin siddii ay u kala horeeyeen baan kuugu soo qoriye. inta ka horaysa waa Abdi-shotaly oo idin leh idinkoo nabad ah iyo anakoo nabad ah.

* N.B:  Nin-ba Wax is Leh.

Ismaaciiil Mire

Barnaamijka Xikmada Suugaanta: Ragoow Kibirka Waa Lagu Kufaa!!

Waa barnaa-mijkii aad nooga bara-teen ee sida caadiga ah aan halkan ka soo deyn jirnay maalin kasta haddii alle yidhaaho, maanta-na waa nin weyn oo kale oo aad wada taqaanaan, oo taariikhda soomaaalida aad ugu caan ah waa ismaaciiil mire, bal dib u xasuuso gabaygii guuguu-laha ee uu ugu digay, isaga oo u sheegaayey waayaha markaas ka jiray dalka, sidaas iyada oo ah baan halkan aan ju qorayaa kiisii aha aragoow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado, waana kan ee la soco:-

Kuli-good adoomaha raboow, qaybsha kimis-tooda,
Bad kaluun ku jira kolay ku tahay, iyo fijaan kooba,
In kastuu kalaho ama kabtiyo, ama kur dheer fuulo,
Nin waliba wixii loo katibay, waa la kulan-siine,
Nina in aanu soo korodh-sanayn kaa hala ogaado,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Kaakici wadaadkii dagaal, laguna kaalmeeye,
Kufri iyo islaam loo coloow, kaysihii hora’e,
Wax-se kadabkii go’ay, maalintuu kaday raggii-siiye,
Kabaa-kiisi wuu jabay kolkuu, kariyey reer khayre,
Kumanaan lag wada duub-cad, buu keenay beer-dhiga’e,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Anaa dunida keligay leh, baa koofil eersadaye,
Kaskii-saba ma gelin wiil yar baa, keebka kuu qabane,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa,kaa hala ogaado,

Kaysaha aduun ina amaan, koos dhan buu helaye,
Raga-ba keeno geli buu is yidhi,, waad u koray-saaye,
Isba kii israa’iilay ma hadin, kamana yaabayne,
 Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Ninka koob nimaca ah fuuq-saday, ee kadin irmaan yeeshay,
In karuuka uu qubo horay, kaafka ugu tiile,
Kuli-good waxaa hoday, anaa kiina reer-hagare,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Kama sugule waaggii, siddii kuray caruureede,
Kkas-xumaa wadee naagata, way kala fogaa-yeene,
Ragoow kibirka waa kagu kufaa, kaa hala ogaado,

Kuwuu maxamed-waal raray, hauu kor ugu soo kaad-shay,
Kul-cad uma dileenoo, ciyoon koor ma geli-yeene,
Ragoow kibirka waa lagun kufaa, kaa hala ogaado,

Af-xakame karka-baddii u ay, iyo kulayl-kiiye,
ka dambee caluu yidhi, intuu kaaha guursadaye,
Kaluun subag u yaal buu ahaa, kicina shaydaane,
Kii kale-na kaal weyn u tumay, karina waabaye,
ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Cartan dhuurta kooraha, markuu kor ugu laalaayey,
Garaad faarax dhay iyo karuur, kala maxcaa-naaye,
Misna kala qadhaa-dhaa dhunkaal, kulanki goobeede,
Ragoow kibirka waalagu kufaa, kaa hala ogaado,

Amuuraha ma kaad-sado, nin-kay kado shiday-saaye,
Kalaam-kuu lahaa ina galaydh, kohay gadaal-kiiye,
Kaar-kuba ma joogeen, haduu keeno tulud-diiye,
Baal-yacad kelyaa kuma jareen, kii u quudh-sadaye,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Kun-ka nin ee rer cali-geree, kaw iskaga siiyey,
 Kasi waaye wuxu waa qabaal, waana kaba-taane,
Ragoow kibirka waa lagu kufaa, kaa hala ogaado,

Nin kuwaas ka dhigan baan arkaa, kabi u yeelayne,
Inta uu kasbacay oo kaman, wan weyn yueehsay,
Ayuu duul karaamiyo colba leh, kiish ka buus-sadaye,
Ka shib dhaha islaameey naftii, kii ladnaa gadaye.

Siddii aan hore idiin ku balan qaadnay dhamaan waan wada mari doonaa raggii raga ahaa ee ku jiri xaydaanka somaliland oo safka bay soo haystaan inta aynu ka gaadhi karno  haddii alle yidhaaho, weli-ba aniga oo inta badan soo qori doono wixii aan ahayn qabyaalada, dire-dire iyo kuwii ay beeluhu isu tiri jireen marka  ay fiintu dhex miranayso, ee soo hurgufi doona kuwa ah wadini-nimo, maad, waano iyo wax sheeg iyo wixii la mid ah markaas  ha sugi waayin ee la soco haddii eebbbe idmo.

* N.B:  Alloow Na Hagaaji.

Cabdi Gahayr

Barnaamijka Xikmada Suugaanta: Dardaaran!!

Gabagan waxa tiriyey ilaah ha u naxariisto’e cabdi gahayr sida la yhdi-na waxa ka geeri-yootay xaas-kiisii , dabeed mudo daba-deed buu guur-saday gabadh kale taas baanu tixdan gaaban u tiriyey baa la yidhaahaa bisga oo kula dardaar-maaya ama us heegaaya wax yaabha uu danta moodaayey awxana uu yidhi:-

In gar xidhata, ama guudka dabi, gebiga soomaali,
Waa-taan gayaan dumar ku nacay, lama gu’baan-tiiye,
Adna geela waxan kaaga madhay, gaari-daad tahaye,
Ha yeeshee wixii kula gud-boon, garangar-taad joogto,

Niriga guriga daaq-yiyo ratiga,, geela laga reebo,
Waa in aad martida tii golmoon, gogosha siisaaye,
Waa in aad gasiin ugu dartaa, xeedho geedo lehe,
Waa in aad wax laam goofi-yo’e, gaar-na dhiga-taaye,

Haddii marada geyn-geyn ka dhaco, waa gunimo weyne,
Waa in aan gambadu kaa xumaan, golahad joog-taaye,
Kol hadaan gacmaha loo xinayn, kuma guduu-taane,
Waa in aad gadaal dhaasha-taa, garasha-daydiiye,

Gudgu-duhu hadduu soo onkodo,gaydhu waa halise,
Gufaa-cada horuu kaga ridaa, guunta buul-ka lahe,
Hadaan laba gufays laysku darin, gale dabay-luuye,
Gig ka siiso gibil xeeran bay, guudka mari-yaane,

Cabdi-gagayr wuxu  gabayaa weyn, marka loo eego casriggii uu noolaa in kasta oo uu caan ku ahaa gabayada qabiilada, kani-se wuxu ahaa marxalad gaar ah oo soo martay, si kata-ba ha ahaatee u soo akhriya faata-xada caawa wuu inaga hoosyee-yaaye.

* N.B: Gufaa-cada Horuu Kaga Ridaa, Guunta Buulka Lehe.